Qatar iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah

 

Heshiiskan ayaa waxaa u saxiixay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana u saxiixay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda  Ibrahim bin Ali bin Issa al-Hassan Al-Mohannadi iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya  Hassan Mo’allin Mohamoud. wuxuu booqanayaa Soomaaliya.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegtay in heshiiskan uu yahay mid lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhanka sharciga.

Saxiixa ka dib ayaa Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa ay kulan la qaateen Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya, iyo Wafdiga la socda. Waxayna ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhanka sharciga ah ee ka dhexeeya wadamada.

Kulanka ka dib ayaa wafdiga Soomaaliya ee Qatar u yimid waxaa lagu wargaliyay khibradda sharci ee Qatar ee dhinacyada diiwaan gelinta hantida ma guurtada ah iyo shahaado bixinta, tababarrada sharciga iyo adeegyada bulshada.

Wasiirka Soomaaliya ayaa bogaadiyay qibrada dhanka sharciga ah ee dalka Qatar, waxa uuna carabka ku adkeeyay in booqashadan ay u furtay iskaashi balaaran oo dhanka sharciga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed