Taliyihii Ciidanka Jubaland ee degmada Afmadow oo ka badbaaday isku day dil oo ay soo abaabuleen ururka Al shabaab isla markaana bixiyay abaalmarin

Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ee degmada Afmadow ayaa fashiliyay miinooyin kooxda Al shabaab ay ku aaseen waddooyinka, isla markaana doonayay in la beegsadaan, taliyaha ciidanka Afmadow Mahad Maxamed Islaam.

Ciidanka ayaa fashiliyey labo miino kuwaas oo ah nooca dhajiska loo yaqaan, waxana la sheegey kooxda Al shabaab ay doonayeen in khaarajiyaan taliyaha ciidanka ee degmada Afmadow iyo saraakiil kale oo muhiim ah.

Gaashanle dhexe Mahad Maxamed Islam taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow ayaa abaal marin lacageed oo dhan $5000 oo doollar guddoonsiiyay askarigii geesiga ahaa ee soo gudbiyay xogta xubnaha Al shabaab, Sida ay shaacisay Idaacadda Ciidamada Soomaaliya.

Si kastaba, Al shabaab ayaa dhibaato xooggan u geysta ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah, kaddib   walxaha qarxa oo ay galiyeen waddooyinka muhiimka ah ee ay dadku isticmaalaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed