5 Gabdhood oo Soomaali ah oo ku dhintay dalka Mareykanka.

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Gabdho Soomaali ay ku geeriyoodeen kadib markii ay galeen shil xooggaan xilli ay socdaal ku jireen.

Shilkaas ayaa sababay dhimashada  ilaa 5 Gabdhood oo Soomaali ah,  waxaa uu   ka dhacay magaaladda Minneapolis gaar ahaan meel u dhaw  Suuqa Karmel Mall, waan meel ay inta badan ay ku kulmaan dad Soomaalida ee ku nool Magaalada Minneapolis.

 

Gabdhahaan ayaa la sheegay in 3 kamid ah ay wada dhasheen, kuwaas oo ahay isku qoys, waxay isku diyaarinaayern Munaasabad qalin jabin ah, iyaga oo u soo baxay in adeegtaan balse shilkaas ayaa sababay in ay geeriyoodaan.

Ciidanka Booliiska ayaa la sheegayaa in ay gacanta kusoo dhigeen Eedaysanaha geystay kaas oo baxsaday balse gacanta lagu soo dhigay.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed