35 ruux oo Soomaali ah kuna eedeeysan burcad badeednimo oo ciidamada badda Hiniya maanta ay geeyeen dalkooda kuwaas la qabtay toddobaadkii hore

35 qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa gaaray magaalada Mumbai  ee dalka Hindiya, iyaga oo la socday markabka  ciidamada badda Hindiya ee INS Kolkata maanta oo sabti ah.

Waxaa lagu soo qabtay howlgal  ay fuliyeen ciidamada badda Hindiya todobaadkii hore, kuwaas oo dib u qabsaday markab ay afduubteen kadibna ay sii daayeen.

“INS Kolkata, oo ay weheliyaan 35 budhcad-badeed ah oo la qabtay ayaa la geeyay Mumbai  ee dalka Hindiya 23-kii March,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamada badda.

Muuqaal lagu baahiyay warbaahinta dalka Hindiya iyo kuwa caalamka, ayaa lagu arkayay raggan oo taagan halka markabka uu ku soo xirto oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamo kumaandoos ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in tani ay tahay markii ugu horeysay muddo toban sano ka badan oo burcad badeed la keeno xeebaha Hindiya si loogu maxkamadeeyo. Eedeysayaasha Soomaalid ah  ayaa wajihi kara xukun dil ah ama xabsi daa’in sida uu qabo sharciga Hindiya ee la dagaalanka burcad badeeda.

Markabka MV Ruen oo ka babanaya calanka Malta ayey la afduubteen bishii December ee sanadkuu hore . Waa markabkii ugu horreeyay ee xamuul ah oo ay gacanta ku dhigaan burcadbadeedda tan iyo sannadkii 2017-kii.

Ciidamada Kumaandooska Hindiya ayaa baarashuut ku fuliyay diyaarad milateri si ay markabka u soo badbaadiyaan, waxaana raggan ku eedeeysan  burcadbadeedda ay keentay inay isa soo dhiibaan, sida ay sheegeen ciidamada badda.

Tan iyo bishii December, India ayaa ugu yaraan toban markab oo dagaal ah geysay gacanka Cadmeed iyo waqooyiga badda Carabta, iyadoo marinnada maraakiibta ee badda cas ay la kulmeen weeraro kaga imanaya Xuutiyiinta Yemen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed