Bashar Al Asad oo ka qayb galay shirka Carabta 11 sano ka dib

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Suuriya 2011, wuxuu ka qayb galay shirka madaxda dalalka Carabta oo maanta ka furmay magaalada Jidah ee wadanka Sacuudiga, tan ayaa ka dambeysay ka dib markii hoggaamiyayaasha Carabtu isku raaceen in Suuriya lagu soo celiyo golaha.

Khudbadii uu shirka ka jeediyay ayuu ku tilmaamay in dalkiisu uu ku soo laabtay golaha Carbeed ee ay ka kooban yihiin 22 dal inay tahay mid “taariikhi ah”, inkastoo bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo ka qayb galkiisa shirka ay ka dhaceen Waqooyiga Suuriya oo ay gacanta ku hayaan xooggaga mucaaradka.

Madaxweynaha Suuuriya wuxuu kaloo weeraray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo ku eedeeyay inuu taageero u fidiyo mucaaradka ka soo horjeeda xukuumada Suuriya, wuxuna ka digay wax uu ugu yeeray “Isbalaarinta Cusmaaniyiinta”.

Furitaankii madaxda Carabta waxaa ka soo qayb galay madaxweynaha Ukriane Volodymyr Zelenskyy, kaasi oo ka hadlay duulaanka Ruushku ku soo qaaday dalkiisu, intii uu hadlayay madaxweyne Zelenskyy, waxaa la arkayay madaxweynaha Suuriyaha oo dhagahiisa ka bixiyay sameecadihii lagu turjumayay hadalka madaxweynaha Ukraine taasi oo u muuqata inaau doonayn inuu dhagaysto, Assad ayaa xulufo la ah madaxweynaha Ruushka.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed