Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa sheegay in xukuumada Ankara ay dhawaan Soomaaliya keeni doonto maraakiib kalluumeysi, isagoo xusay in arrintaasi ay suurta-gashay kaddib horumarka laga sameeyay dhinaca amniga dalka.
Aktaş oo maanta ka hadlay magaalada Muqdisho, kadib kulan dhanka badaha la xariira oo dowladda Soomaaliya ka furtay ayaa sheegay in xaaladda amni ee dalka ay si weyn isu beddeshay marka loo eego 15 sano ka hor, xilli ay caqabado badan jireen oo la xiriiray amni darrada iyo falalka waxa uu ku tilmaamay argagixisada.
Wuxuu intaas ku daray in 15 sano ka hor ay aad u adkeyd in la hirgeliyo mashaariicda noocan oo kale ah, balse maanta ay Muqdisho ka amni badan tahay sidii hore.
“Dhawaan waxaan fileynaa inaan dalka keeno maraakiib kalluumeysi ah, arrintaas oo runtii 15 sano ka hor suurtagalnimadeedu aad u adkeyd. Soomaaliya annaga oo gacmaha is haysanna waxaan gaari doonnaa hadafyada aan wada leenahay ee aan ku howlan nahay,” ayuu yiri safiirka.
Sidoo kale, Safiirka Turkiga ayaa muujiyay rajo ah in labada dal ay mustaqbalka hirgelin doonaan mashaariic iyo iskaashi ka ballaaran kuwa hadda socda, isagoo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoojin doono horumarka laga gaarayo dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
Dowladda Turkiga ayaa waxay Soomaaliya ka caawisaa arrimo badan oo amniga, waxbarashada, Caafimaad, Dhaqaalaha iyo Shidaal soo saarista la xariira, iyada ooh adda gacanta ku haysa howlgalka qodista shidaalka dalka.
Soomaaliya waxay u aragtaa Ankara saaxiibka ugu dhow dunida, marka loo eego habka wada shaqeyn ee labada oo meel sare, halka ay weli iska kaashadaan soo saarista ciidamada, amniga badaha iyo dagaallada ka dhanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda sida Alshabaab iyo Daacish.
HBN ONLINE TV

