Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu dib u dhigay jadwalkii doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyo tan doorashada guddoonada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Guddiga ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kaddib wada-tashi lala yeeshay ururrada siyaasadda iyo codsiyo ay soo gudbiyeen, iyadoo la tixgeliyay baahida loo qabo sida la tilmaamay in la dhammaystiro diyaar-garowga farsamo iyo maamulka doorashooyinka.
Sida jadwalka cusub uu dhigayo, doorashada Golayaasha Deegaanka & Wakiillada Galmudug oo markii hore loo qorsheeyay 20-ka Luulyo ayaa hadda loo asteeyay 25-ka Luulyo 2026.
Sidoo kale, guddigu wuxuu ku dooday inuu dib u eegis ku sameynayo jadwalka doorashada guddoonada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, isagoo ururrada siyaasadda ku boorriyey inay soo gudbiyaan liisaska musharraxiinta.
Guddigu wuxuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka codsaday inay dardargeliso tababarka xubnaha golayaasha deegaanka, wuxuuna adkeeyay inay ka go’an tahay qabashada doorashooyin xor iyo hufan ah, isagoo ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta geeddi-socodka doorashooyinka.
HBN ONLINE TV

