Xaaladda magaalada Laascaanood- warar cusub

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay ka baxeen goobihii lagu dagaalamayay ee dhanka bari ee magaalada, gaar ahaan Guriga Gobolka, Hotel Xamdi iyo deegaanada ku dhowow, halkaasi oo muddoo 21 maalmood ah dagaal xooggan uu ka socday.

Xoogagga SCC ayaa la wareegay goobihii saaka waaberigii ka dib markii ciidanka Somaliland xalay habeenimadii isaga baxeen deegannadaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareed oo lagu kalsoon yahay.

Ujeedada ka bixintaanka ciidanka Somaliland uga baxeen goobahaasi lama oga waxaase ay ku soo aadaysaa iyadoo shalay dagaal xooggan oo ka dhacay gudaha magaalada lagu qabsaday saldhigii 7-aad ama xerada Guulwadayaasha ee ciidanka Somaliland oo ay ku sugnaayeen ciidan uu maamulo Mahad Cambaashe oo ah sarkaal taageersan Somaliland balse ka soo jeeda magaalada Laascaanood.

Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa saaka ka baxay tuulada Tukaraq oo 82km u jirta magaalada Garoowe, halkaas oo ay saldhig ku laaheeyeen ciidanka Somaliland shantii sano ee la soo dhaafay.

Ciidankii ka baxay goobahaas iyo kuwii ka soo baxay Tukaraq ayaa iminka ku sugan Gooja Cadde oo dhawr kiilo mitir u jira magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Sool Cabdirisaaq Khaliif oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu caqabad ku noqday oo uu horistaagay dadaaladii nabadeed ee lagu dhamayn lahaa colaadda Laascaanood, isagoo sheegay in uu masuuliyadeeda qaadan doono wixii dhacay.

Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in magaalada si xun loo duqeeyay gaar ahaan goobaha rayidka ah iyo goobihii adeegga dadweynaha, arintaasi oo uu ku macneeyey “cadowtinimo”.

Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in dagaaladii ka dhacay Laascaanood ay ku dhinteen 500 oo qof oo labada dhinaca ah ayna ku dhaawacmeen 1000 qof, inkastoo aanay jirin cid madaxbannaan oo xaqiijin karta tirade intaasi la’eg.

Guud ahaan xaaladda Laascaanood ayaa iminka xasiloon mana jiraan dagaalo socda, walow xiisad iyo dhiillo colaadeed la dareemayo, waxaana la ogayn waxa xiga ee dhici doona, iyadoo aanay jirin wax waanwaan nabadeed ah oo ku aadan joojinta dagaalkan.

Keyse Caamir
HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed