18 dagaal yahan oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Galgaduud

Dowladda Soomaaliya shaaca ka qaaday in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen Al-shabaab dagaal ka dhacay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, iyo deegaanno kale oo ka tirsan degmad Galcad ee gobolkaas.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyeyag tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud.

Howlgalka ayaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, waxaana lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa.

Howlgalka ayaa lagu dilay xubno k tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab deegaan lagu magacaabo Gariyaale saraakiisha sida Saraakiil Ciidan ay u sheegeen Warbaahinta dowladda.

18 ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay howgalladaas sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab ee ku aadan dagaalkaas ka dhacay gobolka Galgaduud.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed