Kooxda Ansaarullaah (Xuutiyiinta) ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd shaacana ka qaaday in ay si guul leh u beegsadeen xarunta Wasaaradda Difaaca Israa’iil ee Talaabiib iyagoo adeegsanaya gantaal ballistic ah oo xawaare sare leh, isla markaana ay fashilmeen nidaamyada difaaca gantaallada ee lagaga hortagi lahaa , waana weerarkii saddexaad oo ay fuliyaan kaasi oo ka mid ah weerarrada ka dhanka ah Israa’iil muddo 12 saacadood gudahood ah.
Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Sariic, ayaa yiri “Waxaan fulinay howlgallo ciidan oo lagu beegsanayo waxa loo yaqaan Wasaaradda Difaaca ee cadowga Israa’iil ee magaalada Talaabiib ee la haysto annagoo isticmaalnay gantaal ballistic ah oo xawaare sare leh oo lagu magacaabo Falastiin 2.”
Wuxuu sheegay in gantaalku uu si toos ah u gaaray bartilmaameedkiisa, isla markaana ay fashilmeen nidaamyadii difaaca ee lagaga hortagi lahaa.
Afhayeenka Xuutiyiinta oo hadalkiisa sii ambaqaadaya ayaa yiri: “Waxaan mar kale caddeyneynaa garab istaaggeenna Falastiin, si kasta oo ay cawaaqibteedu noqotaba, waxaana sii kordhin doonaa howlgalladeena ilaa la joojiyo gardarrada lagana qaado cunaqabateynta Gaza.”
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in burbur baaxad leh uu soo gaaray dhisme ka dib markii waa sida hadalka loo dhigaye ay ku soo dhaceen firirka gantaalkii hawada looga horgeeyay gantaalka kale ee difaaca.
Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in weerarka Xuutiyiinta uu sababay dhaawaca 11 qof Israa’iiliyiin ah kadib markii boqolaal kun oo qof ay u carareen goobaha gabbaadka ah ee looga gambado gataallada, dadka ayaa la sheegayaa inay isbuurteen intii ay cararayeen, waxaa jira warar sheegaya in afar qof loo diiwaan galiyay xaalad argagax ah oo xagga maskaxdda ah cabsi & sas darteed.
Hay’adda Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay seeriga digniinaha bixiya laga maqlayay bartamaha Israa’iil iyo gobolka xeebaha koonfureed intii lagu jiray weerarka Yaman.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku andacoonaya in gantaalka laga hortagay ka hor inta uusan soo galin hawada Israa’iil.
Goor sii horeysay xalay galinkii dambe, seeriga digniinta ka bixiya gantaalaha aa ka dhawaqay Dooxada Urdun, Marj Bin Caamir, iyo daanta galbeed ee waqooyi kadib gantaal kale oo laga soo riday Yemen, kaasoo ciidamada Israa’iil sheegteen in ay soo rideen.
Dhaqaaqyadan ayaa ku soo beegmaya xilli warbixino laga helayo horumarka wadaxaajoodyada xabad joojinta iyo heshiiska is-weydaarsiga maxaabiista ee Gaza.
Ururka Xuutiyiinta Yaman ayaa tan iyo bishii November 2023, waxay wadeen weeraro ay ku sheegeen inay ku garabsiinayaan Falastiiniyinta Jiidda Gaza, oo uu ka socdo weerarka lagu sifeeyay “xasuuqa” Israa’iil, iyagoo bartilmaameedsanayay maraakiibta xamuulka ee Israa’iil ama kuwa lala xiriirinayo ee gooshaya badda cas.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale weerarro loo adeegsanayo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaada Israa’iil, kuwaas oo qaarkood ay la beegsadeen magaalada Talaabiib, waxayna shuruud ka dhigeen joojinta weeraradooda in marka hore loo soo afjaro dagaalka Israa’iil ay ku hayso Gaza.
HBN Online TV