Kooxda Ansar Allah ee loo yaqaan Xuutiyiinta ee Yemen ayaa soo bandhigay khasaaraha ka dhashay duqeymo ay Israel ka geysatay dekedaha Hodeidah laga bilaabo 20-ka Luulyo ilaa 19-ka Diseembar, iyadoo lagu sheegay khasaarahaasi inuu dhan yahay $313 milyan.
Tirada cusub ee khasaaraha ayaa lagu shaaciyay shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Xuutiyiinta, Maxamed Qahim, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta iyo kooxda Qaramada Midoobay ee Taageerada Heshiiska Xudeyda (UNMHA), kuwaas oo ka hadlay saameynta weerarrada Israa’iil ay ku beegsatay dekedaha Hodeidah, Salif, iyo Ras Issa.
War-saxaafadeedka lagu soo bandhigay shirka ayaa tilmaamay in Wakaaladda Dekedaha Badda Cas ay weli la daalaa-dhaceyso saameynta burburkii hore ee ay sababtay duqeymihii Israa’iil ee dekedaha saddexda ah ee Xudeyda.
Wasiirka ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay sababeen burbur weyn oo soo gaaray qalabka iyo kaabayaasha dekedda Xudeyda kuwaas oo ay ku jiraan wiishashka, xarunta korontada, iyo doonyaha gargaarka ee jiida maraakiibta, iyada oo khasaaraha guud lagu qiyaasay $313 milyan.
War-saxaafadeedka ayaa burburinta dekedaha Yemen ku tilmaamay ku xadgudub cad oo ka dhan ah mabaadi’da iyo qodobbada sharciga caalamiga ah iyo Dastuurka Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan Afarta Heshiis ee Geneva iyo hab raacooda kuwaas oo mamnuucaya bartilmaameedsiga goobaha muhiimka ah sida dekedaha iyo xarumaha dhaqaale ee loo arko inay yihiin goobo rayid ah oo aan la beegsan karin.
HBN Online TV