Xubno maleegayay qaraxyo ay ka gaystaan Hargeysa & Burco oo maxkamad la soo taagay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo ragaan magacyadooda ku kala sheegtay Khaalid Xasan Faarax, Cabdikariim Ibraahim Cilmi, Cabdiwahaab Dheeg Ismaaciil iyo Jaabir ayaa loo heystaa ka mid ahaanshiyaha kooxda Alshabaab oo doonayey in ay weeraro ka gaystaan gobolada waqooyi ee dalka.

Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in xubnahan ay tababaro ku soo qaateen magaalooyinka ay ku sugan yihiin Alshabaab, isla markaasna la soo siiyay cashiro ku saabsan sidii ay weeraro u fulin lahaayeen, kuwaa oo ay ku timaantay in ay khatar ku yihiin amniga dalka, isla markaasna lagu xukumo ciqaab u dhiganta.

Dhinacakale, qareennada difaacaya eedeysaneyaasha ayaa ka codsaday in dib xuriyadooda loo siiyo eedeysaneyaasha, iyada oo carrabayey in aysan waxyaaabaha lagu soo eedeeyey aysan ku lug laheyn.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga ayaa sheegay in ay soo saari doonaan xukunka eedeysaneyaasha.

HBN NONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed