Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeymaha laga fuliyay nawaaxiga Welmaaro oo qiyaastii 40 KM galbeed kaga beegan Jilib, iyo deegaanka Cali Faarax oo ku yaalla ku dhowaad aag 90 KM waqooyi-bari kaga beegan Jilib.
Taliska ayaa sheegay in duqeymaha lagu gaaray ujeeddadii laga lahaa, isla markaana uu jiro khasaare ka dhashay howlgalka.
AFRICOM ayaa tilmaantay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Alshabaab ee gobolka.
Si kastaba, AFRICOM ma aysan shaacin faahfaahin ku saabsan khasaaraha, tirada xubnaha Alshabaab ee la bartilmaameedsaday ama cidda ay waxyeelladu gaartay.
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM ayaa weli wada howlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda qaybo ka mid ah dalka.
HBN Online Tv

