Xubno maalgaliya Daacishta Soomaaliya oo Mareykanka cunaqabateyn saaray

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay saddex nin oo ka mid ah fududeeyayaasha kooxda Daacish ee Afrika, kuwaasi oo fadhigoodu yahay dalalka Zambia, Uganda, iyo South Africa.

Saddexda qof ayaa u shaqaynayey qayb ka mid ah shabakad isku xidhan oo u kala gudbisa lacagta u dhaxaysa Kooxda Daacish ee Soomaaliya, Koonfur Afrika, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyo Mozambique.

Xubnaha cunaqabateynta lagu soo rogay ayaa kala ah Abubakr Swaleh, oo u dhashay Uganda, fadhigiisuna yahay Zambia iyo Koonfur Afrika, Zayd Gangat, oo u dhashay Koonfur Afrika iyo Hamidah Nabagala, oo ah muwaadin kale oo Uganda ah oo deggan DRC Congo.

Marka loo eego bayaanka magacaabista, Swaleh wuxuu “ku lug lahaa wareejinta lacagaha Koonfur Afrika loogu wareejinayo DRC.” Hantidhowrka ayaa sidoo kale sheegay in “Swaleh uu fududeeyo dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadka xiriirka la leh ISIS ee ka imaanaya Uganda una socda Koonfur Afrika, iyo ku xigeenka.”

Mareykanka ayaa saddexda nin ku eedeyay in ay lacagaha u kala gudbiyaan Ururka Daacish ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, Koonfur Afrika, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyo Mozambique.

Abubakar Swaleh ayaa ku eedeysan ku lug lahaanshiyaha wareejinta lacago badan oo u fududeeyay Daacish, gaar ahaan dhaqaalo uu marsiiyay Bankiyo ku yaalla Koofur Afrika, waxaana uu si dhaw ula shaqeynayay Saraakiisha sare ISS.

In kasta oo dawladda Maraykanku ay cunaqabatayn ku soo rogtay Swaleh, hadda waxa uu ku jiraa xabsi ku yaalla dalka Uganda, waxaana laga qabtay waqooyiga Zambia, halkaasi oo uu ka sii watay shaqadiisa fududaynta kooxda Daacish. Ka dib waxaa loo gacan geliyey Uganda, halkaas oo uu hadda ku xiran yahay xabsiga caanka ah ee Kampala ee Luzira.

Sidoo kale, Zayd Gangat oo kamid ah xubnaha cunaqabeynta ay ku soo rogtay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu eedeyay in uu yahay fududeeye iyo tababare, halka uu hadda ku sugan yahay ma cadda, in kasta oo la rumaysan yahay in uu ku sugan yahay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

Hamidu Nsubuga oo ah qofka saddexaad ee Cunaqabeynta la saaray ayaa lala xiriiriyay inuu ku lug lahaa qaraxii ismiidaaminta ah oo bishii August 2021 ka dhacay dalka Uganda.

Cunaqabateynta xubnahan ayaa saameyn doonta socdaalkooda iyo dhaqaalaha ay heystaan oo dhammaantood la xayiri doono, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda Mareykanka.

Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore bartilmaameedsaday Xubno sar sare oo ka tirsan kooxaha islaamiyiinta ee Soomaaliya, isaga oo qaar ka mid ah madaxdooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed