Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo Ajnabi ah oo lagu qabtay degaanada maamulka Galmudug isla markaana la shaaciyay dalka uu ka soo jeedo

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay nin Ajaanib ah oo ka tirsan Al-shabaab oo sheegtay inuu u dhashay dalka Yemen, xilli uu doonayay inuu dooni ka raaco meel u dhow xeebta Mareeg ee maamulka Galmudug.

Ciidamada xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa sameeyay howlgalkan, oo lagu sheegay mid qorsheysanaa, kaddib xog ay ka heleen dadka deegaan. Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah howlgalka, Eedeysanaha ayaa shaaca ka qaaday xog ku saabsan labo ruux oo la socday oo la sheegay inay gaajo darteed ugu geeriyoodeen, xilli ay marayeen meel cidlo ah.

Xariga muwaadinkan u dhashay dalka Yemen ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo la xoojinayo dadaalada ay wadaan ciidamada amaanka Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada iyo sidii loo sugi lahaa amaanka iyo nabad galyada bulshada deegaanka.

Maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa xudun u ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo maamulku uu inta badan fuliyo howlgallada lagu burburinayo shabakadaha Al shabaab ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed