Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saddex ilo wareed oo xog ogaal ah ayaa sheegtay in Iran aanay u dirin Ruushka gantaalaha riddada gaaban & qalabka laga rido oo wada socda, arinkaasi oo Mareykanku soo bandigeen toddobaadkii hore.
Dadka xogtan laga helay oo kala ah dublamaasi reer Yurub ah, sarkaal sirdoon reer Yurub ah iyo sarkaal Maraykan ah, ayaa sheegay in aanay caddayn sababta Iran ugu diri wayday Ruushka qalabka laga rido gantaallada Fatah-360, taasoo keentay su’aal la xiriirta xilliga Ruushka uu u adeegsan doono dagaalka Ukraine.
Ilo wareedkan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay jiraan sababo dhowr ah oo keenay in aan wali loo dirin Ruushka qalabka laga rido gantaalada waxaana ka mid ah sababahaas la sheegay iyadoo Ruushku uu doonayo in uu dib u farsameeyo gawaarida laga rido ganataalka oo uu wax ka beddelo sida Iiraan u sameysay iyo tan labaad oo ah Iiraan oo laga yaabo inay dib u bilowdo wadahadalka ay kula jirto Ruushka, si xiisadda loo qaboojiyo. Ruushka, Iran iyo Maraykanka ayaan si rasmi ah uga hadlin warkan.
Tehran ayaa beenisay in ay Moscow siisay gantaallo ama kumanaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo saraakiisha Kiev iyo reer Galbeedka ay sheegeen in Ruushku u adeegsanayo bartilmaameedyada militariga iyo burburinta kaabayaasha rayidka, oo ay ku jiraan xarumaha koronto ee Ukraine.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa 10-kii Sebtembar sheegay in Iran ay gaarsiisay Ruushka 360 gantaal oo oo ah nooca Fatah, ayna u badan tahay inay toddobaadyo gudahood uu u adeegsado weerarada ka dhan ah Ukraine.
Gantaalada noocaan ah ayaa caqabad dheeri ah ku noqon doona dalka Ukraine, kuwaasi oo si joogta ah ula qabsanaya difaaciisa hawada habka casriga ah ee ciidamada Ruushka. Sida ay ku warantay wakaalada wararka Iran ee Fars, gantaalku waxa uu guuxiisa ka dheereeya afar goor marka uu ku soo wajahan yahay bartilmaameedyada.
HBN Online TV

