Xildhibaano sheegay in Alshabab loo waday hubkii lagu qabtay Galgaduud

Xildhibaanno ka tirsan BFS oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdiasho ayaa si adag uga hadlay hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq ee Galguduud, waxaa ay dalbadeen in dadkii hubkaasi soo galay dabagal iyo baaritaan lagu sameeyo.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga fadhiyo soo bandhigida dadkii hubka lahaa iyo sababta keentay in Ciidamada Sirdoonka Qaranka ay faraha u la galaan arimo hub sharci dara ah.

Waxaa ay ku doodeen in hubka loo waday Alshaab si loogu “laayo” Ciidamada deegaaka ee Macawisleyda, ayna u roontahay shacabka in hubka ay gacanta ku dhigaan, halkii ay Alshabaab loo gacan gali lahaa, iyaga oo ku goodiyey in Xukuumadda Soomaaliya ay qaadi doonto wadadii tii Kenya oo Khamiistii aan soo dhaafnay la kala diray.

“Waxaan aaminsanahay in hubkaasi gacan qaldan ku socaday uu Alshabaab u gali lahaa, laguna baabi’i lahaa Ciidamada Macawisleyda iyo Ciidamada Xogga dalka oo duruufo adag ku shaqeeya, Xukuumadda RW Xamse waa noolaan weyse ha baxsato intaan shacabku sidii Kenya guryaha ugu galin” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

 

Sida oo klae Xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa isna yiri “Xukuumadda waxaan uga fadhinaa dadkii hubkaan soo galiyay!waxaa wax lala yaabo ah in Ciidamada NISA loo diray hub sharci darada ah in ay waardiyeeyaan ayna ku dagaalamaan”

 

15-kii Bishaan ayaa waxaa deegaanka Shiilo-madoow ee gobolka Galgaduud lagu qabtay laba baabuur oo ah kuwa xammuulka oo uu saaran yahay hub fara badan oo sida la sheegay ka soo gudbay dhanka Itoobiya, isaga oo markii dambe u gacan galay shacabka deegaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed