Xildhibaano ka careysan burburinta Xaafadda Dab damiska oo muqdisho ku shiray

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay go’aankii looga raafay dadkii degganaa xaafadda dab damiska ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Waxaa ay sheegeen in dano gaar ah laga leeyahay sababta dadka dhulka looga saarayo oo loo wareerayo, iyaga oo ku goodiyey in masuuliyadda wixii halkaa ka dhacay uu qaadi doono Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ” dana gaar ah ayuu rabaa Xasan Shiikh in uu u isticmaalo dhulka Dab damiska, ma yeeli doono in lagu tunto dadka dhulkaas deggan”. Xildhibaan Cabdi Samad ” Wax loo dul-qaadan karo maaha wixi saaka dab damiska ka dhacay, wadahadal walba dhanka dowladda ayuu ka fashilmay” ayey yiraahdeen.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa ciidamo ka tirsan kuwa DFS waxa ay howlgalo ka bilaabeen xaafadda Dab damiska degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, sida ay muujinayeen muuqaalo laga soo duubay dad deegaanka oo guryahooda burbur xooggan la gaarsiiyey.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id Muqdisho warbaahinta ugu qabtay ayaa sheegay in dhulkan u baahanyihiin ciidamada booliska soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in dadka laga rarayo xaafadda dab damiska ay caawinayaan ciidamada dowladda ee halkaa ka wada howsha dhameystirka howlgalkan.

HBN ONLE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed