Xildhibaannada labada Gole qaar ka mid ah oo sheegay in fursad u tahay in shacabka awoodda dib lagu celiyo

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay xubnaha guddiga ku meel-gaar ah ee maanta la meel mariyeye ayaa sheegay in nasiib u tahay in dalka ay u jiheyeen doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ah wado cusub oo la qaaday.

Xildhibaan Caasho Koos, xildhibaan wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Senatorka Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa sheegay in dalka loo jiheeyey in shacabka dib loogu celiyo awoodooda, iyada oo taasi muujineyso in la rabo in fursadaas ka faa’iideystaan awooda ay ku doora karaan.

“Hal xildhibaan oo maanta diiday ama ka aamusay in dalka doorasho qof iyo cod ah loo jiheeyo ma jirin, waxaa maanta la qaaday waddo cusub, waxaana dalka loo jiheeyey in shacabka dib loogu celiyo awoodooda.” Ayuu yiri wasiir Maareeye.

Sida oo kale xildhibaan Caasho ayaa sheegtay in waligeed aanay arag “doorasho qof iyo cod ah” balse nasiib ay u yeesheen in xildhibaannada ay dalka u jiheeyeen in shacabka Soomaaliyeed fursadaan ka faa’iideystaan.

Dhanka kale, Senatar Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa carrabaabay in uu ku bogaadinayo BJFS ansixinta hindise sharciyeedyada doorashooyinka, kuwaa oo uu sheegay in uu horseedayo in shacabka lagu celiyo xaqooda, ayna faa’iideystaan in awoodda dib loogu soo celiyey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed