Xildhibaannada labada Gole ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland oo isku isku mari waayey codsigii madaxweyne Axmed Madoobe

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ku matala dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku kala aragti duwanaaday Warqaddii casuumaadda aheyd ee Madaxweynaha maamulka Jubbaland u diray Xildhibaannada.

Xildhibaan Xasan Garaad iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay tagi doonaan magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan kulamo wadatashi.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in ay ajiibeen, iyaga oo ah Xildhibaannada iyo Senetarada ee Warqaddii kaga timid Madaxweyne Axmed Madoobe, isla markaasna ay wadatashi u tagi doono magaalada Kismaayo.

Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka aragti duwan labadaan xildhibaan ayaa sheegay in uusan tagi doonin magaalada Kismaayo, isla markaasna uu diyaar u yahay sida hadalka u dhigay doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku dhawaaqday Dowladda dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Hadallada kala duwan ee ka soo baxaya Xildhibaannada iyo Senetarada Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli xalay warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu kulan wadatashi ah iskugu yeeray Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay degaanada Jubaland.

Warqadda kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u qorneeyd, “Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ku matala Jubaland waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka ah ee Jubaland taariikhda 8-11 November 2024”.

Arrintaan waxa ay ka dambeeysay ka dib markii maalinimadii Axada ay laba wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay xilalkoodi iska casileen, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay maamul gobaleedka Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed