Xildhibaanada Golaha shacabka qaar ka mid ah oo dalbaday in la soo bandhigo dadkii masuulka ka ahaa weerarkii Xabsiga dhexe

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dood ka yeeshay dhacdadii Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in guddiga loo saaray arinta ay soo saari waayeen cid masuuliyada qaadata wixii halkaasi ka dhacay iyo dhibaatada khasaaraha soo gaaray ka dhashay.

Xidlhibaanadan ayaa sheegay in dhibaatooyin kala duwan ka jiraan kuwa oo dad waxyaabaha loo heysto ku jiraan qaar lacago yar yar , waxaana ay sheegeen in dad ku dhinteen xabsiga sida hadalka u dhigeen.

Waxaa ay intaasi ku dareen in muwaadiniinta Soomaaliyeed qaar dhibaatooyin aysan mudeyn loogu geysto, kuwaa qaarkood at tilmaameen ay ku dhinteen daryeel la’aan.

Sida oo kale waxaa ay sheegeen in xaaladda amniga xabsiga ay tahay mid aad u adag, iyaga oo ku dooday in ay kuwada xiranyihiin xabsiga Xubno Alshsbaab ah iyo dad dambiyo yar yar ku xukuman sida hadalka u dhigeen.

Guddiga loo xil saaray dhacdadii ka dhacday Xasbiga dhexe Luulyo ee sanadkan ayaa sheegay in baaris dheer ay ka soo sameeyeen taasi oo gaarsiisan 516 bog ka kooban laba gal, ayna qayb ka yihiin dhacdooyinkii xabsiga iyo qaar talo soo jeedin ah oo lagu shaqeyn doono, sida uu golaha ka hor sheegay Xildhibaan Bashiir Maxamed Cabdi .

Dhacdadii Xabsiga dhexe 13-kii Luulyo, 2024, ayaa lagu arkay maxaabiis la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo ku xukunna dil, kuwaa oo fursad ay helay hub, ka dibna dagaal saacado qaatay goobta lagu dilay. Iska horimaadkan ayaa sababay dhimashada 13 maxbuus iyo dhaawaca 18 ka mid ah maxaabiista iyo ciidamada ammaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed