Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo sababo yaab leh u waayey Xubinnimada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa wareegto maanta uu soo saaray ku sheegay in xanaaddii xildhibaanimo laga xayuubiyey Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha.

Dr Abiib ayaa lagu eedeeyay in uusan soo xaadirin Labo Kalfadhi oo xariir ah kulamada golaha, sidaas awgeedne lagu qaaday xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dhigaya in muddadaas haddii bilaa cudur daar uu maqnaado uu xilkaas weynayo, loona baahan yahay in dib loo soo doorto qofkii buuxin lahaa.

Warqadda ka soo baxday Xafiiska habdhowrka golaha oo ku saabsaneyd liiska xaadirinta Xildhibaannada ayaa lagu cadeeyey in la ogaaday in xubinta matasha kursiga #HOP201 in ka badan 2 kalfadhi oo xiriir ah uusan soo xaadirin.

“Guud ahaan 141 fadhi ayaa u qabsoomay golaha shacabka, wuxuuna soo xaadiray shan kulan oo kaliya” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska habdhowrka golaha Shacabka.
Kursiga banaanday ayaa waxaa lagu wargaliyey hay’daha ay quseyso in ay so buuxaan, iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan dastuurka.

Weli Xildhibaan Abiib kama hadlin luminta xubinnimadiisii golaha Shacabka iyo eedeymaha loogu jeediyey warqadda xafiiska guddoomiyaha shacabka ee xaadirinta liiska xildhibaannada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed