Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalda Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka hadlayey xaaladdaha taagan iyo siyaasadda dowladda ayuu sheegay in xalaaddo adag ay dalka ka jiraan oo musuq iyo eex ah.
Waxaa uu ku eedeeyey dowladda uu hggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh in astaan ay u noqotay sida hadalka u dhigay eex, musuq, karti xumo iyo hal abuur la’aan, kuwaa oo uu tilmaamay in ay dadka oo dhami u jeedaan.
Sida oo kale waxaa uu carrabaabay in maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka baxay dowladda ay muujineyso in la qaaday sida uu yiri “wado qardo jeex ah, halka inta soo hartayna ay ku sii socdaan” haddii sidaan wax ku sii socdaan.
Arinta dhulka dowladda oo dadka laga rarayo ayuu sheegay in sifada lagu iibiyanayo dhulka dowladd aanay sax aheyn, waxaana uu shaaciyey in haddii la iibiyo dhulka dowladda ay imaan doonto wakhtiga dambe in aan loo heli doonin dhul ay ku shaqeeyaan hay’addaha dowladda.
Waxaa uu tilmaamay in lacagaha dhulka dowladda ka soo xarooda aanay ku jirin miisaaniyadaha loo keeno baarlamaaanka oo sida uu hadalka u dhigay ay ku dhacdo jeeb shaqsiyo gaar ah.
“Dowladdii dhammeyd waxay noqotay intee manfac yaalaa, halkee shilin laga helaa, kii askari ah, kii sarkaal ah, kii taliye ah waxay noqotay halkee dhac-dhac ku jiraa oo wax ka raadiyaa. Waxay ka duwan tahay 95-tii, meel kasta waxa la sameystay Kambani la yiraahdo Qidmad qaadka” ayuu yiri Xil. Cabdiraxmaan.
Dhanka kale, Waxaa uu difaacay in Jubbaland ay qabsato doorasho dadban, taasi oo uu tilmaamay in ay tahay mid xaq ay u leedahay, waxaana uu ku eedeyey Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre in markii hore uu ku aragti ahaa maamulka balse hadda uu is bedelay.
HBN Online TV