Xiiliga ugu horreeya ee Soomaaliya shidaal laga soo saarayo oo la shaaciyay

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta wax laga waydiiyey arimaha soo saarista shidaalka dalka oo sanadkan la qorshuhu yahay in la bilaabo qoddidiisa deegaanno dhowr ah ayaa sheegay in ay hayaan ceelal ay ku keyd sanyihiin Balaayiin shidaalka nuucyadiisa kala duwan ah.

Wasiirka Batrool ayaa sheegay in baaritaan ugu horeeya Soomaaliya la sameyn doono bilaha soo socda ee Octoobar iyo Nofeembar, isaga oo xog aruurin laba bil ka dib ay shaqada gali doonto shirkadda ay la soo heshiiyeen.

Waxaa uu intaasi ku daray in rasmi ah shidaalka looga qodi doono Soomaaliya horaanta bilaha Apil iyo March ee sanadka soo socda 2025-ka, taasi oo ah sida hadalka u dhigay jadwalka u degsan wasaradda iyo shirkadda ay la heshiiyeen.

Dhinaca kale wasiir Cabdirisaaq oo ka hadlay goobaha laga qodayo shidaalka ayaa sheegay in meelaha ugu horeeya ee qorshuhu yahay in la tagi doono ay ka mid yihiin deegaannada galmudug, halkaasi oo uu ku yaala ceel shirkadaha shidaalka soo saara ee dunida ku cusub, kaasi oo Balaayiin shidaal cayriin nuucyadiisa kala duwan ay dhex ceegaagaan.

“Galmudug ilaa 50 Bilyan fuusto oo shidaal ah ayaa laga helay, Soomaaliya 2025 ayaan shidaal qodista ka bilaabeynaa” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.

Soomaaliya oo heshiis dhanica shidaal qodista ah la gashay dowladda Turkiga, kaasi oo qorshuhu yahay in Soomaaliya uu ka soo saaro shidaal iyo gaas, si dalka uu uga faa’iideyso wax soo saarkiisa macdanta keydka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed