Madaxweynaha dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa faah faahin ka bixiyay in Wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay soo gabagabeyn doonaan dhawaan, iyada oo dowladdu xoogga ay saari doonto deegaannada uruka Al shabaab ay kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabeelle.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ku suga Galmudug ayaa ka qeyb galay xuska sannad guurada 17-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Galmudug, ayaa dul istaagay nuuca howlgalka wajiga labaad ee Al shabaab looga xorreynayo guud ah dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab uu ka bilaabanayo dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, isla markaana lagu xoreynayo goobaha ay ka sugan yihiin labadaas maamul ee deriska ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku wajahan yihiin deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al shbaab ee labada maamul.
Gunnaanadkii ayuu hadalkiisa ku sheegay in guulo hormar leh laga gaaray dagaalladii wajiga kowaad ee ka dhacay deegaannada Galmudug iyo Hiorshabeelle, isaga oo intaas raaciyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay hadda diyaar u yihiin in ay soo afjaraan howlgalka wajiga labaad, sidoo kale saaxiibada caalamiga ah ayaa qeyb ka ah dagaalka.
HBN NEWS DESK.