Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo kulan ku yeeshay Qaahira haddaba maxaa ka soo baxay kulankaas?

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Sameh Shoukry. Ujeedka wadahadalladan ayaa ahaa sidii loo horumarin lahaa xiriirka dhinacyada badan leh ee Masar iyo Soomaaliya, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda kulanka ayaa hoosta ka xariiqay sida labada dhinac ay u daneynayaan xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo labada wasiir ay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Wadahadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah, marka loo eego isbadallada amni iyo kuwa siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay wada hadalada ayaa waxaa ka mid ahaa ku dhawaaqista duulimaad toos ah oo isku xiri doona Soomaaliya iyo Masar, kaasoo la bilaabi doono bisha July. Horumarkan ayaa la filayaa inuu fududeeyo isku xirka weyn iyo kor u qaadida isdhaafsiga dhaqaale iyo dhaqan ee labada dowladood.

Labada wasiir oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin go’aamadii ka soo baxay kulanka, ayaa muujiyay muhiimadda uu hindisahan u leeyahay xoojinta xiriirka Masar iyo Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed