Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa tagey furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, saddex todobaad kaddib markii laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay laamaha amniga Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo u kuur galay baahiyaha aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo korontada oo aas aasi u ah nolosha dadka deegaaka oo go’doon ku jiray 10 sano ee la soo dhaafay.
Wasiir Xoosh ayaa waxaa kulanka ku wehliyey Wasiirada Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Amniga, Xanaanada Xoolaha, Duqa Magaalada Kismaayo, Xildhibaano iyo Saraakiisha Amniga.
Waxa uu warbixino ka helay Ciidamada Nabad Sugida iyo Bulshada Buulo Xaaji, waxa uuna balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan hay’adaha xasilinta ee dowladda si wax looga qabto baahiyaha bulshada ee jira.
Waa markii ugu horreysay oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay tagaan deegaankan Buulo xaaji oo toddobaadyo ka hor laga saaray kooxda Al shabaab.
HBN NEWS DESK