Wasiirka Gaashaandhiga oo tababar u soo xiray saraakiil cusub oo ka baxday xerada TurkSom.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wafti ka socday Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinayey isla markana tababar loogu so xirayey saraakiil loo tababaray Leyli-Sarkaalnimo oo ka tirsan Ciidamada Qaranka.

Xafladda ayaa sida kale aheyd mid lagu daahfurayey ambaqaadka sanad dugsiyeedka cusub ee 2024/2025 ee kulliyadda tababarka ciidamada TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa dardaaran u jeediyey saraakiisha cusub ee dhameystay tababarkan isaga oo kula dardaamay in ay qeyb lixaad leh ka noqdaan sida uu hadalka u dhigay difaaca dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabab, si ay u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen.

Dhanka kalena wasiirka oo ka hadlayey muhiimadda ay leedahay in la soo saaro ciidama taya leh si ay ula wareegaan howlaha dalka ayaa yiri “Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan, kuna filan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka,” .
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku booriyey dadaalka iyo ka go’naashaha ciidamada Xoogga Dalka ay ugu jiraan difaacista dalka iyo gud ahaan nabad ku noolaanshaha dadka soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa wada dib u soo nooleynta Ciidamada Qaranka oo helaya hadda kaalmooyin kala duwan oo dhanka saadka iyo tababarka isugu jira, halka dowladdu wado raadinta kaalmooyin ay ka hesho wadamada horumaray oo ay ka dalbaneyso ka taageerida dhismaha ciidamada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed