Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Fiqi, ayaa wada-hadallo la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socda India oo uu hoggaaminayo Sureh Kumara, oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga iyo horumarinta. Qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah fududeynta adeegyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalaya dalka Hindiya arrimo caafimaad iyo waxbarasho.
Wasiir Fiqi iyo Xoghayahe Sureh Kumar ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday fududeynta soo galitaanka Soomaalida ee India, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista adeegyada muhiimka ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida caafimaadka iyo waxbarashada. Wada-hadallada ayaa “xoojiyey dadaallada iskaashiga ah ee u dhexeeya labada dowladood ee lagu hagaajinayo hababka fiisaha iyo bixinta taageerada lagama maarmaanka ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya fursadaha caafimaadka iyo waxbarashada ee Hindiya.” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu muujiyay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Wasiir Fiqi oo u ololeynayay in la ballaariyo adeegga dal ku galka ayaa soo jeediyay in Soomaaliya laga dhiso qunsuliyad fududeysa codsiyada fiisaha ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.
HBN NEWS DESK