Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay ma’suuliyiin ka socotay Turkiga oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo arrimaha ammaanka

Wasiirka Amniga Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee  caasimadda , iyadoo labada mas’uul ay sheegeen inay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer garowsaneyd doorka muuqda ee Turkiga uu ka ciyaaro taageerada Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta iyo tababarida Ciidanka Soomaaliyeed, oo la tayeeyay ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta sharciga dalka oo hadda wajahaya caqabado ay ka mid yihiin dagaalada joogtada ah ee ay kula jiraan Al-Shabaab.

Danjire Aktaş ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay Turkiga in ay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay u noqon lahayd dal nabad ah oo barwaaqo ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado wadashaqeynta ku aaddan howlgallada amniga iyo ka hortagga argagixisada, maadaama ay tani lagama maarmaan u tahay xaqiijinta nabad waarta iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka dhexmaray Wasiir Fartaaq iyo Danjire Aktaş ayaa muujinaya xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Labada dowladood ayaa si dhow u wada shaqeynayey muddo sanado ah, iyadoo Turkiga uu taageero weyn ka geysto dhinacyo kala duwan, sida amniga, kaalmada Millatari, hishiiska qalabeynta ciidamada badda,waxbarashada iyo gargaarka bini’aadantinimo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed