Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Cadaaladda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, Xasan Macalin Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u bilaabaneyso wadashaqeyntii dowladda dhexe iyo maamulka Puntland oo muddooyinkii dambe uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed oo xooggan, kaasoo raagadiyay hormarka siyaasadeed ee dalka.
Xasan Macalin ayaa sheegay in dhawaan labada dhinac ay si toos ah uga shaqeyn doonaan dhawaan barnaamijyadii ka dhexeeyay, isla markaana ay miro-dhaleen dadaallo arrintaas la xiriiray, waxaa uu intaas raaciyay in Puntland ay diyaar u tahay wadashaqeynta ay leedahay dowladda Faderaalka ah.
Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay shirka daah-furkaa Wasaaradda Caddaaladda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee maamulka Koofur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka faah faahin dheeraad ah kama uusan bixin, xilliga ay dhaceen wadahadalada labada dhinac iyo hannaanka loo maray xallinta khifaafka Saciid Cabduulaahi Deni iyo Villa Soomaaliya, sidoo kale ma uusan ka hadlin xilliga rasmiga ah ee arrimahas la fulinayo.
Si kastaba, majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ay kaga jawabaayaan warkaan ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Soomaaliya. Warkaan ayaa imaanaya iyada oo Puntland ay horay xiriirka ugu jartay hey’adaha dowladda Soomaaliya, una dhaqmi doonto si madaxbannaan.
HBN NEWS DESK