Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka iyo ducaadda uga digtay in ay u tagaan goobaha ay ku sugan yihiin Alshabaab, iyada oo cidii tagtana la tilmaamay in tillaabo adag laga qaadi doono oo wax cudurdaar loo fiiri doonin.
War Saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegtay in markale u digeyso in laga mamnuucay la macaamilka lyo utagista Kooxda Alshabaab.
Sida oo kale wasaaradda ayaa carrabowday in ay xog ku heleyso in ay weli jiraan Macalimiin Dugsi Quraan lyo culimo qorsheynaya in ay u hogaansamaan Amarada Alshabaab, isla markaasna ku howlanyihiin sida hadalka u dhigtay aadista goobaha ay ku dhuumaaleystaan Kooxdu.
Wasaaradda ayaa cadeysay in qof kasta oo macallim dugsi Qur’ aan, mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah ee lagu helo la macaamila Alshabaab ama u hogaasamida amarradooda laga qaadi doono talaabo sharciga waafagsan, isla markaasna aan loo haynin wax cudur daar ah.
HBN ONLINE TV