Wasaaradda Amniga oo ka hadashay dagaalkii saaka lagu laayey Alshabaab ee Jubbada hoose

Wasaaradda Amniga gudaha Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii seddexda waji lahaa ee saaka lagu qaady fariisimo CXD iyo kuwa Jubbaland ku lahaayeen Jubbada hoose ayaa bayaaan ay soo saartay ku bogaadisay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland sida ay wajaheen dagaalka saaka.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in uu bogaadinayo Ciidanka Qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland sida ay isaga difaaceen isku daygii weerarkii saaka ee kooxda Alshabaab.

“Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan reer Jubbaland waxaan ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka soo hoyeen deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole,” ayuu yiri wasiir Fartaag.

Wasiirka ayaa tilmaamay fashilinta weerarka Alshabaab ay aasaas u ahayd wadashaqeynta ciidamada iyo dadka deegaanka, isaga oo ku adkeeyey in dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

“Maanta casharka loogu dhigay Alshabaab deegaannada Buulo-xaaji iyo Harboole waxay caddayn u tahay waayaha mugdiga ah ee u bilowday Kooxda, jabkii maanta gaaray wuxuu muujinayaa awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirku.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashanaysa shacaba iyo saaxiibada caalamka ay ka go’an tahay sii wadida howgalada ka dhan ah Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed