Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dgaal ba’an oo dhaliyay 10 dhimasho ah oo ka dhacay deegaanno ku yaal gobolka Mudug

Faahfaahino dheeraad ah  ayaa ka soo baxaya  khasaara xooggan oo ka dhashay dagaal beeleed lagu hoobtay oo saacadihii la soo dhaafay  ka dhacay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalka uu laba maleeshiya-beeleed ku dhexmaray degaanka Buq oo hoos yimaada degmada Towfiiq isla markaana maamul ahaan hoos timaada maamulka Puntland.

Ugu yaraan inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalkaan oo socday taniyo shalay oo gelinkii danbe dhacay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen islamarkaan weli ma jirto cid kala dhex gashay labada dhinac dagaallamaya.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilaawday labo ruux oo loo dilay aano qabiil. Intaas kadib waxaa dagaal toos ah uu ka qarxay goobta, kaas oo u dhexeeyay labada dhinac, waxaana uu qaatay saacado badan oo xiriir ah, sida ilo wareedyo kala duwan ay xaqiijiyeen.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.
Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo sanadkii hore ee 2023-kii beelaha dagaalamaya lagala dhex dhigay heshiis, balse haatan u muuqda mid burburay.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulada Galmudug iyo Puntland ee ku aaddan dagaalkaan dhaliyay khasaaraha xooggan ee ka dhacay gobolka Mudug.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed