Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan doonayn in Soomaalidu ku noolaato Mareykanka, isaga oo ku eedeeyay dadka ka yimid Soomaaliya inay si weyn ugu tiirsan yihiin sida uu hadalka u dhigay adeegyada taageerada bulshada ee Mareykanka, isla markaana aanay wax badan ku soo kordhin dalka.
Khudbaddan oo uu Trump ayaa ka jeediyay magaalada Mobile, Alabama oo ku taalla koonfurta-bari ee Mareykanka ayuu ku sheegay in Washington hakisay qaabilaadda qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya iyo dalal kale oo uu ku tilmaamay “goobo khatar ah”.
Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed “aan loo baahnayn” in ay yimaadaan Mareykanka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal ay ka jirto shaqo la’aan aad u sareysa, isaga oo Soomaalida ku eedeeyay inay ka faa’iideystaan Mareykanka. Waxa uu sheegay in 98% dadka Soomaaliya ay yihiin bilaa camal balse loo ogolaaday in ay Maraykanka soo galaan ka dibna ay khiyaameeyeen dadkii Maraykanka ee soo dhaweeyey.
“Ku dhowaad 88% ama wax la mid ah ayaa ku tiirsan gargaarka bulshada. Waxba kuma soo kordhiyaan dalka, mana doonayo inay dalkeenna joogaan,” ayuu yiri Trump, isaga oo sii raaciyey “Dalkiinnu sabab ayuu u leeyahay inuu sidaas u liito. Dalkiinnu waa meel xun, mana doonayno inay dalkeenna yimaadaan.”
Hadalladan ayaa qeyb ka ah hadallo uu Trump dhowaan si adag uga hadlay socdaalka iyo dadka ka imaanaya dalal ay colaado ka jiraan, xili dhankak kalane ku soo beegmay iyada oo maamulkiisu ku dhawaaqay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyay go’aannada la xiriira codsiyada magangelyada.
HBN Online Tv

