Waxaa saaka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo degay wafdi ka socda ururka goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, kaasi oo uu huggaaminayo Xoghayaha fulinta Workneh Gebeyehu, iyada oo uu ku soo dhaweeyey wasiirka arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Wafdiga ayaa waxaa loo galbiyay xarunta loogu talagalay in la dejiyo si uu ula kulmo Madaxda Sare Dowladda Federaalka oo ay kawada hadlayaan xaaladda ka taagan Geeska Afrika iyo tan ka dhex jirta Urur Goboleedka IGAD.
Soomaaliya oo xubin ka ah Ururkaan ayaa cod ku leh in ay ka dhex sheegto waxyaabaha ay dooneyso ama in ay ka dhiidhiso arrimaha dhibaatooyinka ku ah waana tan abuurtay in wafdiga IGAD ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho
Arimaha ugu waa weyn ee lagu gorfeyn doono waxaa ka mid ah khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa, kaasi oo tan iyo horaantii sanadkaan carikay cilaaqaadkii ka dhexeeyey.
HBN ONLINE TV