Ku xigeenka xoghaya guud ee Urur gobolkeedka IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ayaa ka digay in dhibaato ka dhalan karto marka xiisadooda ay ku dhex milanto sida hadalka u dhigay Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in labadaan dal midkoodna uusan ka shaqeyn danaha dadka Soomaaliya, balse tooda keliya ay ka dhex eeganayaan, haddii ay is qabtaane dhibaatada ka dhalan karta ay dhaxli doonto Soomaaliya.
“Sida hadda aan ku socono haddii aan ku sii socono, 20-KM oo bad ah ayaa hadda la yaabanahay, Dad Soomaali la dhihi jirey ayaa jiri jiray ayaan maqli doonaa, haddii aynaan ka bixin khiyaaliga iyo in aan la kala jirsanno Masar & Itoobiya ama shisheeye kale” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.
Hadalka ku xigeenka xoghayaha urur goboleedka IGAD ayaa imaanaya ka dib, markii dowladda Soomaaliya ay heshiis dhinaca Amniga ah la gashay Masar, kaasi oo dhaqan galkiisa ay isku fahmeen, Ciidamada Qaahirana la keeni doono gudaha Soomaaliya.
HBN ONLINE TV