Waalidiinta dad ciidamada ATMIS ku “gowraceen “ Buula mareer oo caddaalad dalbaday

Mid ka mid ah ehelada seddex ruux oo shalay lagu dilay magaalada Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose oo warbaahinta ayaa sheegay in wiil u dhalay uu ka mid ahaa, kaasi oo sanadkan dhameysay waxbarshada sare iskuulka iyo wiil uu abti u ahaa ay “gowraceen” ciidamada ATMIS oo ka howlgala halkaasi.

Abbahaan ayaa Ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika ku eedeeyey in ay “gowraceen” labada wiil, halka mid uu ka fakaday, waxaana uu sheegay in dhibaatadaas ay gaysteen ciidamada halkaasi joogga, isaga oo ka dalbaday madaxda sare ee dalka in ay wiilasha la dilay ay cadaalad ugu raadiyaan.

Qaar ka mid ah ehelada dadka la dilay, madaxda Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdadan ay timid ka dib markii ciidamada ATMIS oo roondo ku jira ay ka shakiyeen rag deegaanka ah, ka dibna ay “dileen” laba ka mid aha, halka mid kale uu dhaawac uga fakaday.

Bannaanbaxyo lagaga soo horjeeda dilkan lagu eedeeyay in ciidamada ATMIS gaysteen ayaa ka dhacay magaalada, waxaana dadku ay aad uga caraysan yihiin weli dilkaasi oo ay ku sheegeen inuu yahay “dambi culus” oo ka dhan dad shacab ah.

Eedeymaha la xiriira dilka dadka rayidka ah ee ay geysteen ciidamada ATMIS ayaan ahayn markii ugu horreysay, waxaana dhawr jeer hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ay u soo bandhigeen falal dil iyo tacadiyo kale ka mid yihiin oo ciidamada Midowga Afrika ka socda u geysteen dad shacab ah.

Maalin kadib ma jirto masuul ka hadlay dhacdaadaan ama ka fal celiyey, halka xiriir email oo aynu la sameynay ciidamada ATMIS ay inoogu sheegeen in ay su’aalaheenna ka soo jawaabi doonaan, balse illaa iyo xilligan ma jirto wax jawaab ah. Dhinaca kale masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya oo aynu wax ka waydiinay dilkan lagu eedeeyay ciidamada ATMIS aysan wali ka soo jawaabin dalabkeena ku aadan dhacdadan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed