Dowladda Soomaaliya ayaa awaamiir adag duldhigtay suuqyada waa waa weyn ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ay amaro culus oo ka soo baxay lagu faray in Axadda Berri ah 13-da Octobar aanu jiri Karin wax iibsi ah iyo adeegsi ah bacaha halka mar la isticmaalo.
Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo faah faahiyey hawlgallo lagu soo qabtay ganacsato Bacaha ka ganacsanayey ayaa sheegay in ay ku soo qabteen dad ganacsatada ah, ayna ka digtoonaadaan ganacsada kale, haddii ay u huggaasami waayaane uu hakad ka gali doono sida uu hadalka dhigay ganacsigooda.
Awaamiirtan ayaa qabanaysa qofkasta oo isticmaala iyo suuq walba ee iibiya ama wax ku iibsada, waxaana haddii lagu arko uu sheegay Cabdifitaax Aadan Afhayeenka Booliska Soomaaliya in ganaaxyo iyo ciqaabo uusan intay la eg tahay sheegin ka dhalan doonaaan arinkaasi.
Wasaraadda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in bacaha halka mar la isticmaalo laga mamnuucay dalka, iyada oo bedelkeeda uu noqon doono agab kale oo aan saameyn taban ku yeelan doonin deegaanka.
Waxaa Suuqyada dalka yaala nuuc kala duwan oo baco ah, kuwaa oo si aad ah ugu faafay goob walba iyo guri kasta, waxaana ay waxyeelo u geysteen deegaanka iyo xoolaha.
Inkasta oo dowladda Soomaaliya amarka ay soo saartay uu si aad ah hadda uga dhaqan galayo Koonfurta iyo Bartamaha dalka, hadana waxaa jira dad dan yar ah oo noloshooda maalinlaha ah ka raadsada ka ganacsiga iyo ku ganacsiga Bacda mar la isticmaalka ah.
Ma jirto bedel ama kab ay siiyey dadkaasi dowladda Soomaaliya, si ay qasaaraha ka soo gaara ula qeybsadaan, sida aan ka soo xiganayno quburada dhaqaalaha oo qaba in tani ay saameyn ku yeela doonto.
Si ka duwan alaabta kale, balaastiggu waxaa ay qaadan kartaa ilaa 1,000 sano (kun sano ama qarni) in la burburiyo, ayna ciidda dhaawaci karto, halka ay sababi karto saameyn caafimaad oo halis ah sida ay ku sheegtay warbixinteedii 2023-kii Qaramada Midoobey.
HBN ONLINE TV