Ururka Haweenka Soomaaliya oo dacwad ka dhan Xukuumadda Xamsa u gudbiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliya Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo sheegtay in guriga hooyooyinka aanu mid aheyn hantida qaranka ayaa tilmaantay in dacwad ka dhan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamsa ay u gudbiyeen Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Batuulo oo aan cadeyn eedeynta ay u jeedisay Ra’iisal Wasaaraha XFS ayaa sheegtay in uu ku xad-gudbay sida ay hadalka u dhigtay xaquuqdii haweenka Soomaaliya, isaga ku amray inay ka baxaan guriga hooyooyinka.

“Anaga Ra’iisal Wasaaruhu xad-gudub ayuu nagu sameeyey, wuxuu xaqiray xaquuqda ururka haweenka Soomaaliyeed, Wuxuu yiri ‘ Guriga Ka baxa’, guriga ururka haweenka ayaa gacmihiisa ku dhistay, ma aha hanti dowladeed, waa hanti ururka haweenka dahabkoodii iyo xoolahoodii lagu dhisay” ayey tiri Guddoomiye Batuulo.

Sida oo kale, dacwad ka dhan Ra’iisal Wasaare Xamsa ayey sheegtay inay go’aansadeen in loo gudbiyo Maxkamadda gobolka Banaadir, taasi oo ay sida ay carrabowday ay ku kala bixi doonaan. Galka dacwadooda ayey shaacisay in maalinta Berri ah laga furi doonaa Maxkamadda gobolka.

“Waxaan ku kala baxeynaa sharciga, anaguna waxaan go’aansanay inaan Maxkamad u gudbino dacwadeena oo aan garsoorka iyo cadaaladda u bandhigno” ayey sii raacisay Guddoomiye Batuulo.

Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo sheegay in la isku dhajiyey guriga hooyooyinka ayaa laamaha ammaanka faray inay gurigaasi lagu wareejiyo wasaaradda Haweenka oo iska leh, isaga oo hadalkan sheegay horaantii todobaankan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed