UK oo safiir Cusub u Magacaawday Soomaaliya

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Michael Nithavrianakis loo magacaabay safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsanaan doono Soomaaliya.

Safiirkaan aya beddeli doono Haweeneyda Kate Foster oo xilkan haysay tan iyo bishii Febraayo ee 2021, waxana lagu xasuusan doonaa doorkii ay ka ciyaartay doorashooyinkii Sannadkii hore.

Mr Nithavrianakis ayaa xilka la Wareegi doono bisha May ee 2023, sida lagu sheegay qoraalka xafiiska arrimaha dibedda.

Danjire Michael Nithavrianakis ayaa haatan ka tirsanaa xafiiska shaqaalaha ee Qunsulka Guud iyo Agaasimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga ee magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

Sidoo kale safiirka cusub ayaa shaqooyin kala duwan oo diblumaasiyadeed kasoo qabtay dhowr waddan, sida Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga, Giriiga iyo waddamo kale.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed