Turkiga oo loo soo jeediyay in faragelin toos ah uu sameeyo haddii Israa’iil aysan joojin duqeynta 24 saac gudahood

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa loogu baaqay in 24 saac uu faragelin ku sameeyo arrinta marinka Qasa haddii Israa’iil at joojin weyso duqeymaha aanan kala joogsi laheyn ay ku wado shacabka Falasatiin, kuwaas oo isbuucii seddexaad ay ku socdaan madaafiic culus.

Devlet Bahceli, oo ah saaxiibka ugu dhaw Erdogan, ahna  hogaamiyaha xisbiga dhaqdhaqaaqa wadaniga ah, ayaa ku yiri X oo loo aqoon jiray Twiter, isagoo raaciyay, “ilaalinta Gaza waa dhaxalkii awoowayaasheen.”

Turkigu waa inuu sameeyaa wax kasta oo lagama maarmaanka u ah mas’uuliyadeeda taariikheed, bini’aadantinimo iyo diineed,” ayuu raaciyay Bahceli, oo si kulul uga hadlay arrinta Qasa.

Turkiga waa inuu si degdeg ah u qaado tallaabo, ayuu si shaacsan u yiri fariintaan ayaa loo waday Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed