Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda federaalka Soomaaliya. Bannaanbaxa ayaa yimid xilli uu gobolka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo la xiriira doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Jowhar, taas oo dib loogu doortay madaxweyne Cali Xuusen Guudlaawe.
Isu soo baxa waxaa ka qeyb galay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo kamid ah cuqaasha ugu caansan gobolka, xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka iyo boqolaal shacab ah.
Ugaaska ayaa bulshada ugu baaqay midnimo, nabadgelyo iyo inay ka qeyb qaataan sida uu hadalka u dhigay badbaadinta gobolka, halka masuuliyiinta kale ee hadlay sheegeen in lala xisaabtami doono cid kasta oo dhibaato ku haysa bulshada Hiiraan.
Waxay dowladda ugu baaqeen inay dhageysato tabashada shacabka, iyaga oo xusay in gobolka Hiiraan uusan helin xuquuqdii iyo adeegyada uu mudnaa, inkastoo bulshada deegaanka ay door weyn ku lahayd dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab.
Dhanka kale, wafdi ka socda dowladda federaalka ayaa Beledweyne ku sugan, kuwaas oo wada dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Masuuliyiinta Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka oo dhinac ah, iyo Ugaaska Yuusuf iyo siyaasiyiinta gobolka ee Mucaaradka ah.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda Beledweyne laga furo shirar wadatashi ah oo ay yeelanayaan beelaha gobolka, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed iyo mustaqbalka maamulka Hirshabeelle.
HBN ONLINE TV

