Ciidamada qalabka sida ee Turkiga ayaa loo diyaariyay dagaal buuxa sababo la xiriira baahida suurtagalka ah ee howlgalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee Kurdiyiinta ee Suuriya. Warbixintan waxaa baahiyay wargeyska dowladda taageera ee “Türkiye” iyadoo laga soo xiganayo ilo ku dhow Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyadan, Ankara waxay ka dalbatay maamulka cusub ee Suuriya inay tallaabo ka qaadaan xubnaha Ururka Kurdiyiinta ee PKK, waxaana haatan socda diyaar-garow dhammaan xaaladaha suuragalka ah, oo ay ku jiraan in Turkigu howlgal milatari ka sameeyo dhulka dalka dariska la ah ah ee Suuriya.
Hanjabaada Erdogan & Fidan
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa horay ugu digay PKK in Turkigu uu qaadayao howlgal milatari haddii aysan hubka dhiggin isla markaana aysan la shaqeyn maamulka cusub ee Suuriya. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sidoo kale sheegay in la qaadi doono “tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” haddii ay jirto khatar ku gaddaaman isbeddelka maamul ee Suuriya oo ka dhalata ficilada kooxaha Kurdiyiinta.
Erdogan si adag u yiri, “dhagar-qabayaashan gooni-u-goosadka ah waa inay dhigaan hubkooda, ama hubkooda ayaa lagula aasi doonaan dhulka Suuriya,”
Ankara waxay u aragtaa ismaamulka Kurdiyiinta ee Suuriya inuu yahay urur argagixiso waxayna ka baqeysaa in is-maamulkaa Kurdiyiintu uu dhiirrigeliyo dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah ee gudaha Turkiga. Dhanka kale, ciidamada Kurdiyiinta ee Suuriya ayaa ka caawinaya Mareykanka si ay ula dagaallamaan kooxda ISIS. Ka dib guuldarrooyinkii kooxda, ciidamada Mareykanka ayaa weli ku sugan gobollada shidaalka hodanka ku ah ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF) oo inta badan ka kooban Kurdiyiin.
Iyadoo laga jawaabayo hanjabaadaha Turkiga ee ku aaddan howlgal milatari oo ka dhan ah kooxaha Kurdiyiinta, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dagaal cusub uusan dan u ahayn Suuriya, isla markaana Mareykanku uu ka shaqeynayo sidii looga hortagi lahaa.
Blinken wuxuu caddeeyay in walaacyada Turkiga ee la xiriira PKK iyo wax uu ugu yeeray argagaxisada ay yihiin kuwo sharci ah, isla markaana Washington ay si firfircoon uga shaqeyneyso sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadahan, inkastoo arrimahan u baahan yihin. Wuxuu intaas ku daray in dagaal cusub uu khilaafsan yahay horumarka wanaagsan ee haatan ka jira Suuriya, wuxuuna adkeeyay dadaalka socda ee looga hortagayo xaalad noocaas ah.
Xaaladaha siyaasadeed ee cusub ee Suuriya
Dhammaadkii Oktoobar 2024, mucaaradka Suuriya ayaa qaaday weerar ay ku qabsadeen caasimadda—Dimishiq—8-da Diseembar. Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa ka cararay dalka isagoo qoyskiisa ay la socdaan, waxaa magangelyo siiyay dalka Ruushka. Awoodda Suuriya waxaa la wareegay ururka Islaamiga ah ee Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) oo xiriir la leh Turkiga.
HBN Online TV