Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa saacadihii la soo dhaafay jeediyay dhowr hadal oo muran dhaliyay kuwaas oo si cad u muujinaya farqiga weyn ee ka dhexeeya siyaasadaha gudaha iyo dibadda ee Mareykanka, marka loo eego Madaxweynaha xilka ka degaya ee Dimuqraadiga ah, Joe Biden & isaga.
Dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda, Trump ayaa sheegay inuu joojin doono waxa uu ugu yeeray fowdada ka jirta Bariga Dhexe, isla markaana uu soo afjari doono dagaalka Ukraine, si uu uga hortago in uu qarxo Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka, isagoo aan faahfaahin ka bixin sida uu u fulin doono arrimahaas.
Trump ayaa ku faanay kuna celiyay mar kale hadalkiisii hore ee uu ku sheegay in dagaalkii Oktoobar 7 waa Howlgalkii Duufaanta Al-Aqsa ee ay qaadeen dagaalyahannada Falastiiniyiinta iyo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine aysan dhici lahayn haddii isagu uu ahaan lahaa madaxweynaha Mareykanka.
Horraantii bishan, Trump ayaa ku hanjabay in haddii maxaabiista ku xiran Marinka Gaza aan la sii deyn ka hor inta aanu xilka la wareegin 20-ka Janaayo, ay ka dhalan doonto waa sida hadalka uu u yiri naar ka dillaacda Bariga Dhexe, wuxuuna ku baaqay in maxaabiista hadda la sii daayo.
HBN ONLINE TV