Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed ayaa markale sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in loo helo wado lagu gaaro marinka Badda-Cas, isaga oo ku hanjabay in ay wado walba umarayaan helitaankeeda.
Abiy Axmed ayaa ku faanay in iyagu bilaabeen in la rumeeyo rabitaankooda ku aadan Badda-Cas balse uu ku dooday haddii ay rumeyn waayaan in ay dhameystiri doonaan caruurtooda.
Sida oo kale waxaa uu ku andoocaday in wax kasta aanay aheyn in markiiba la heli karo, laakiin se muhiim tahay in la helo lana rumeeyo riyada ah gaarista Badda-Cas.
“Waxaa Naga Go’an inaan helo Marinka Bada-cas. Riyadu ma ahan wax Markiiba la helo lakiin waa in la Rumeyaa, Rabitaankena ku aadan badda cas, anaga ayaa bilownay hadaan dhamaystiri wayno sida biyo xidhaynka wabiga Niilka, carruurteenna ayaa dhammaystiri doonta.
Xukuumadda Addis Ababa oo horaantii sanadkan heshiis lagu tilmaamay meel ka dhac qaranimada Soomaaliya ah oo ay la gashay Somaliland ayaa abuurtay mid waji gabax ay kala kulantay wamada caalamka ugu tunka weyn.
Soomaaliya ayaa meelo badan oo ururada iyo dowlado isugu jira geysay waraaqo ashtako ah ayaa Itoobiya ku noqday mid keentay in si cad loogu sheego in qadafka ay sameysay ay ka garowdo, ayna ka baxdo heshiiskii Janaayo ee Somaliland ay la gashay, inkasta oo ay taasi ay wax jawaab ah ka bixin.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo si cad diiradda u saareysa ilaalinta gobanimada JFS.
HBN ONLINE TV