Tirada dadka ku dhintay duufaanta Milton ee Mareykanka ka dhacday oo siyaaday.

Tirada dhimashada ee ka dhalatay duufaanta Milton oo ku dhufatay gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa gaartay, ugu yaraan 16 qof Jimcihii ka dib markii dadka deegaanka ay bilaabeen inay guryahooda ku laabtaan iyadoo malaayiin qof ay koronto la’aan yihiin.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku qiyaasay in khasaaraha duufaantu sababtay uu gaarayo ilaa $50 bilyan oo doolar, halka dad badan ay ku dhintay duufaanta.

Iyada oo hawlgallada baadi goobka iyo gurmadku ay sii socdaan ayna u sii dheer tahay daadgureynta qashinka & haraaga burburka ay sababtay duufaantu, Madaxweyne Biden wuxuu ku booriyay dadka deegaanka inaysan ka bixin guryahooda ilaa xarkaha korantada iyo qashinka firirsan dhulka & wadooyinka laga nadiifinayo.

Ilaa 2.5 milyan oo guri iyo xarumo shirkadeed ayaa koronto la’aan ah, halka meelaha qaar wali raadka duufaanta aadka u daran ee Gacanka Mexico ilaa badweynta Atlaanti ay ku hareen.

Duufaanta Milton ayaa ku dhufatay xeebta Florida goor dambe oo arbacadii ah waa duufaantii 3-aad oo noocan ah, iyadoo burburisay aagag ka soo kabanayay duufaantii hore ee Helen, taasoo ay ku dhinteen 237 qof koonfurta bari ee Maraykanka.

Adeegga Cimilada Qaranka Mareykanka ayaa Arbacadii soo saaray digniin ah in 126 duufaanno ah oo gobolka oo dhan ku soo fool leh, sida uu sheegay khabiirka duufaanta Michael Lowry.

Inkasta oo duufaanta Milton aysan sababin in biyaha badda ay kor u kacaan heerar masiibo ah gobolka Florida, hawlaha nadiifinta ayaa qaadan karaa bilo.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in duufaanta, oo ah tii shanaad ee ugu xoogga wayneyd ee ka dhacda badweynta Atlaantigga, ay dhici karto khasaaraha ay sababtay inuu gaaro inta u dhaxaysa 30 bilyan ilaa $60 bilyan.

Aqalka Cad ayaa ballan qaaday taageerada maamulka gobolka iyadoo la qiimeynayo inta uu la egyahay khasaaraha oo wali la baarayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed