Tartanka Kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka furmay Muqdisho

Waxaa galabta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay tartanka ciyaaraha lugta degmooyinka gobolka Banaadir iyo degmada Balacad oo qayb ka ah xifaaltanka 2024.

Tartanka ciyaaraha Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu daah furay degmooyinka Gubadley iyo Heliwaa, kuwaa oo ku jira qaanada sare ee isku aadka ciyaaraha kooxaha Muqdisho .

Maamulka gobolka Banaadir oo qayb galay Xaflada furitaanka tartanka Ciyaaraha 20-ka degmo oo lagu daray degmada Balcad, kaasi oo ka dhacaya Garoonka Eng. Yariisow ex Koonis ee degmada Cabdicasiis.

Guddoomiyaha Gobol Baanaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo qudbad halkaasi ka jeediyey ayaa sheegay in tartanka uu noqon doono culus, iyada oo ku bilaabay degmooyinka ood wadaagga ah ee Xilwaa iyo Gubadley.

Maamulka gobolka Jimcihii aan soo dhaafmay soo xiray tartanka Kubadda cagta ciyaaraha ee Iskuuladda, halka shalay sabti aheyd ay soo xireen midda Gacanta, halka maalintii xigtay ay fureen mida degmooyinka gobolka Banaadir iyo degmada Balcad ee Shaballeeha dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed