Suurtagalnimo: Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in degmooyin xor ah doorasho ka dhici doonin

Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka hadlay qaabka loo asteeyey qabashada doorashada qof iyo codka ah ayaa sheegay in meelaha lagu qaban doono ay shuruuddo horyaalaan ah inay soo buuxiyaan iyo dastuurkii hore ee dalka la raaci doono.

Waxaa uu sheegay in meelaha loo asteeyey in doorashadu ka dhacdo ay tahay in loo fiirin doono goobaha xorta ah maamul walba, waxaana carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay amniga ahmiyadda 1-aad iska saari doonto si doorashadaasi u dhacdo.

Fartaag ayaa sheegay in qabashada doorashada lagu saleyn doono dhanka dastuurka wixii ka horeeyey dowladdii milateriga aheyd ee 1991-dii, iyada wixii degmooyin ah ee jiray xiligaas uu aqoonsan yahay dastuurka.

Maamulka Jubbaland oo uu tusaale u soo qaatay ayuu shaaciyey in 8 degmo uu ka helay goobaha lagu qaban doono doorashada, kuwaa oo kala ah Kismaayo, Afmadow iyo 6-da degmo ee gobolka Gedo.

“Sagaashankii (90-kii) degmooyinka jiray ee dowladdii Aun uu Maxamed S. Baree degmooyinkii jiray baa la soo qaatay” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Mar kale gobolka Banaadir ayuu hoosta ka xariiqay sida uu hadalka u dhigay in dastuurku uu aqoonsanaa doono 16 ka mid ah labaatanka degmo, kuwaa oo soo buuxiyey shuruudaha.

“Gobolka Banaadir 20 degmo weeye, laakiin maxaa ka ansaxmay oo la qaatay 16 degmo, waa 16-kii kacaanku ogaa weeye” ayuu sii raaciyey markale.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Soomaaliya waxa uu ku baaqay in shuruud la’aan la joojiyo dagaal beeleedka ka socda qeybo ka mid ah Gobollada Dalka, isaga oo soo jeediyay in colaadda loo baddelo wadahadal oo ah xalka keliya ee lagu badbaadi karo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed