Suuqyada ugu waa weyn Muqdisho oo maanta badi xiran

Waxaa maanta badi xiran qaybo ka mid ah Suuqyada Waa weyn ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii canshuur ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka ka dhaqan gashay.

Ganacsatada ayaa soo saaray go’aan ay ku sheegeen in ay ku dhaqaaqayaan shaqo joojin maanta ka billaabaneysay waxaana muuqda in uu dhaqangalay go’aankooda maadaama ay xireen goobahooda Ganacsiga.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdiso oo HBN ONLINE TV la hadlay ayaa sheegay in canshuur bixinta maanta dhaqan gashay ay culeys ku tahay, halka qaar kale ay tilmaameen in ay u bixinta canshuurta dalka wax ku soo kordhi doonto oo ay bixin doonaan.

Suuqa weyn ee Bakaaraha waxaa xiran dhammaan Goobaha Ganacsiga, Dadkii ku ganacsanayay ayaa horfadhiya oo waxa ay diidan yihiin in ay albaabada furaan, waxa ay ku doodeen in ay doonayaan in la dhageysto tabashada ay qabaan.

Qaarkood waxa ay tilmaameen in markii hore ay cabasho ka ahaayeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo lacago ka qaado, waxa ay intaas ku dareen in ay gudbiyeen tabashadooda isla markaana loogu sii daray culeys kale.

Dhanka kale, Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in iyada oo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen haddana Xukuumadda iyo ganacsatadu isla qaateen bixinta Canshuurta Iibka.

“Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed